Waa maxay ereyga " faith self" ama aaminsanata nafta !?

Faith' ereygaan micnihiisu waa aminsanaan ama naftaada oo ku kalsoontahay Oo aa aminsantahay wax walba in adiga kugu xidhan yihiin . 

 Is-aaminaadu waa dabarka isku keen haya dadka nolosheena ku xeeran. Waa aasaaska xidhiidh kasta oo aynu la leenahay iyaga. Inaynu ku aamino cid kale dareen caadifad xambaarsan ama inaynu ku aamino hab garaad ku dhisan waxay ku xidhan tahay hadba cida aynu aaminayno halka ay inoo joogto inagoo ku jaangooynayna waxa aynu ka filan karno hadaynu aamino, ama waxa inaga dhaxeeya sida jacayl, saaxiibtinimo, ganacsi ee isku keen haya, ama abaal ama wanaag aynu hore u sii dhiganay oo bedelkeeda ku kalsoonaan karno kuna aamini karno cidaas. Dadka isku si' umaynu wada aamino, dadka qaar si' indho-la'aana ayaynu u aaminaa, halka qaarna si waaqaca ku dhisan u aamino, halka qaarkoodna si' indho-laana uga aamin baxno. Mid kastaa waxay ku xidhan sidaynu qofkaas u qiimayno. Tusaale ahaan hadaad xanuunsato dhakhtarkaaga waan ku aamini naftaada walow aanad xidhiidh hore ula lahayn. Sidoo kale mararka qaar waxa dhacda in qof u aamino si dhaqso badan tusaale ahaan inan aad isbarateen xidhiidh jacayl iyo guur yeelateen waxaad arki idinkoo markaba si' indho la'aana isku aaminay sababtoo ah waxaad wadaagteen isku hadaf, samayseena xidhiidh joogto ah iyo dareen aad ka siman tihiin, markaad wakhti isla qaadataan waxaad barad run-sheegnimadeeda, naxariisteeda, iyo habdhaqankeeda oo kugu dhalin in aad si garaad ku dhisan aad ku aaminto. Hadiiba uu burburona waa mid keenta in qalbi-jab yimaado oo qofkaas ay ku adkaado inuu cid danbe si fudud ku aamino kuna abuurta cabsi inuu cid kale aamino. 

Cabsidada iyo is-aaminidu waa laysla xidhiidhiyaa. Tusaale ahaan, hadaad dareentid in cid jeceshahay guul-daradaada, inay ku abuuran tahay xiqdinimo, nacayb ama ku jirto anaaninimo waxay koru-qaadaa cabsida aad ka qabtid waxaynaa yaraanaysa aaminaada aad u haysid tanoo kugu keenta inaad isha ku haysid hab-dhaqanka, iyo hadba waxa idin dhexmaraya qofkaas tan oo kuu fiican shakhsiyan inaad feejignaato. 
In lays-aamino iyo inaan lays-aaminin labaduba faaiidadooda iyo khasaarahooda bay wey leeyihiin. Tusaale ahaan hadaad cid is aamintaan waad isu-roonaanaysaan, is-daryeelaysaan, waxbaadna iska dhaadhicin kartaan, saamayna waad isku yeelan kartaan, bulsho ahaana haddii kalsoonida dadka ka dhexeysaa sarayso khilaafka ku dhisan shakiga ayaa yaraada oo midnimada iyo wax wada qabsiga ayaa bata halka aamin-darada ay faaidada ugu wayn ee ay leedahay tahay inaan lagu khiyaamayn. 








Post a Comment

0 Comments